4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2018
Dibadbaxyo gilgilay dalka Faransiiska

 

Axad, November, 25, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa waxa uu cambaareeyay dibadbaxyada qalalaasaha wata ee dabayaaqada todobaadkii labaad ka dhacaya guud ahaan waddankakaasi.

Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay ka soo horjeedaan kharashka lagu kordhiyay canshuurta laga qaado shidaalka.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa meesha ka saaray dalabka dadkii dhigayay dibdabaxa, kuwaa oo ka cabanayay qiimaha shidaalka oo sare u kacay.

Waxaa uu na yiri ceeb dushiina ha ahaato, dhammaan kuwii weeraray ciidammada booliska, shacabkii kale iyo weriyeyaasha.

Waxaa kale oo uu yiri qalalaase meelena ugama banaana dalka Faransiiska.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay laamaha ammaanka kartidooda iyo qaabkii wanaagsanaa ee ay u guteen waajibaadkooda.

In ka badan 100,000 oo qof ayaa ka qeyb qaatay dibadbaxyadan looga soo horjeedo kororoka qiimaha shidaalka oo shalay ka dhacay magaalada Paris.

Afhayeen u hadlay dibadbaxayaasha ayaa ku adkaystay in si nabad ah ay ra'yigooda ku soo bandhigayeen. "Halkan uma joogno inaan booliska kula dirirno, waxaan doonaynaa oo kaliya in dowladdu ay ina dhageysato,"

Saraakiisha ayaa sheegaya in 19 qof ay iskudhacyada ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin afar askari oo boolis ah. Afartan qof ayaa xabsiga loo taxaabay.

Warbaahinta qaranka Faransiiska ayaa waa ay ku warrantay in dhowr weriye lagu weerraray magaalooyinka koonfurta ku yaal ee Toulouse iyo Béziers.

Wasiirka arrimaha gudaha Christophe Castaner ayaa waxa uu dibadbaxayaasha ku eedeeyay in dabada ay ka riixaysay hogaamiyaha xisbiga midig fog Marine Le Pen. Hasayeeshee dhankeeda farriin ay soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa waxa ay wasiirka ku eedaysay inuusan daacad ahayn.

Qiimaha naaftada, taas oo ah shidaalka ugu badan ee ay isticmaalaan gawaarida dalkaasi Faransiiska ayaa 12-kii bilood ee la soo dhaafay waxa uu sare u kacay ku dhawaad 23%.

Xigashada BBC