3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2018
Wasiirka Waxbarashada oo lagu casumay Jaamacadda Lund ee dalka Sweden


Sabti, November, 24, 2018 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, C/laahi Goodax Barre, waxa uu booqasho shaqo ku tagay Jaamacadda ugu weyn dalalka wuqooyiga Yurub ee Lund University ee dalka Sweden, kadib markii uu casumaad gaar ah uu ka helay Jaamacadda Lund, casuumaddaas oo salka ku haysa heshiis is-afgrad ah oo dhex maray Dawladdii ku- meel gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Lund sanadkii 2002. Xiriirka labada jaamacadood waxaa waqti dheer ka soo shaqeynaayey ururka Somali Interntional Rehabiltation Centre (SIRC) ee magaalada Lund, gaar ahaan Prof. C/laahi Maxamed Jaamac, Prof. Arne Ardeberg, Liban Wehliye iyo Dr C/laahi Cilmi Maxamed (Asad).

Wafdiga Wasiirka uu hogaaminaayey waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Maxamed Axmed Jimcaale iyo Hormuudka Kulliyadda Waxbarashada iyo Culuunta Bulshada, Prof. Fowzia C/raxmaan Warsame. Ujeeddada safarka wafdiga Soomaaliyeed waxa uu ahaa sidii loo bilaabi lahaa wada-shaqeyn dhexmarta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Lund ee dalka Sweden. Wasiir Goodax iyo wafdigiisa waxaa qaabilay Guddoomiyaha Jaamacadda Lund, Prof. Torbjorn von Schantz iyo hormuudyada kuliyadaha Jaamacadda Lund, waxayna isla garteen sidii loo bilaabi lahaa wada-shaqeyn dhexmarta labada jaamacadood, ayada oo ay madaxda Jaamacadda Lund muujisay sida ay diyaarka ugu tahay horumarinta iyo iskaashiga Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed dhinacyada horumarinta manhajka, tababarka macalimiinta, cilmi-baarista iyo aqoon-isweydaarsiga.

Jaamacadda Lund oo ah jaamacadda ugu weyn dalalka wuqooyiga Yurub waxa leedahay xarumaha ugu waaweyn ee cilmi-baarista ee dalka Sweden gaar ahaan laamaha kala duwan ee cilmiga. Wasiirka iyo wafdigiisa waxa ay booqdeen qaar ka mid ah kuliyadaha iyo xarumaha Jaamacadda Lund, sida LUCSUS, Kuliyadda Waxbarashada Macalimiinta, Madbacadda Jaamacadda, Xarunta caafimaadka caalamiga iyo xiriirka dibedda ee Jaamacadda Lund, iyo MachadkaXuquuqul Insaanka ee Roul Wallenberg. Dhamaan kuliyadaha iyo xarumaha Jaamacadda Lund waxa ay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada iyo wafdigiisa waxaa soo dhaweyn gaar ah u sameeyey Duqa Magaalada Lund, Mats Helmfrid. Duqa-magaalada Lund waxa uu wasiirka iyo wafdigiisa uga waramay taariikhda magaalada Lund iyo muhiimadda ay Jaamacadda Lund ku leedahay magaalada Lund, isaga oo welibaxusay in Jaamacadda Lund la aasaasay 350 sano ka hor.

Wasiir Goodax iyo wafdigiisa waxa ay intii ay joogeen magaalada Lund waxaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Malmo oo ah magaalada ugu weyn koonfurta Sweden, halkaas oo ay ku nool yihiin Soomaali badan. Wasiirku waxa uu jaaliyadda Soomaaliyeed uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya iyo safar ay isaga iyo wafdigiisa ku yimaadeen magaalada Lund ee dalka Sweden.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
11/24/2018 12:14 PM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta gaadhay jiida hore ee deegaanka Tuko raq ee ciidamada Militariga Somaliland fadhiisinka u ah.

11/24/2018 10:21 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL)- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir Guddoominayay ayaa sheegay in guddoonka golaha ay soo gaartay Warqad ay ku saxiixan yihiin toban Xildhibaan oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda, taasoo ujeedkeedu uu yahay tabasho ka dhan ah warbixin maaliyadeedka meelmarinta qoondada Miisaaniyada 2018-ka.

11/24/2018 8:07 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL)- Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa ilaa 10 Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ku dilay weeraro dhabo-gal ah oo ka dhacay dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dexe.

11/24/2018 7:57 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL)-Wasiirka Wasaarrada Maaliyada xukukumadda Soomaaliya oo maanta tagay xarunta Golaha Shacabka ayaa iska difaacay eedeyntii ay dhawaanta soo jeediyeen guddiga Maaliyada.

11/24/2018 4:20 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL) – Puntland ayaa sheegtay inaysan quseyn laguna xukumi doonin xeerarka ay ansixiso dowladda federaalka.

11/24/2018 4:12 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL)-Ilaa 10 xubnood oo ka tiran guddiga Maaliyada Golaha Shacabka ayaa ka hor yimid islamarkaana sheegay in aysan waxba kala socon warbixintii dhawaan ay shaaciyeen xubnaha guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada u qaabilsan Golaha Shacabka.

11/24/2018 3:40 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL) – Xaflad ka dhacday galinkii dambe ee Jimcihii shalay meel aan sida uga fogeyn xeebta badweynta hindiya ee deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa lagu daahfuray dhismaha deked laga hirgelinayo Garacad oo howsheedu muddo socotay.

11/24/2018 12:48 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in koox burcad ah xalay ku dileen halkaa muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada dalkaasi ku nool.

11/24/2018 12:19 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL)–Dowladda Britain ayaa waxa ay qaaradda Afrika ugu yaboohaysaa lacag dhan 50 milyan oo giniga Istarliinka ah oo u dhiganta 64 milyan oo doolar si ay gacan uga gaysato joojinta gudniinka fircooniga.

11/24/2018 12:08 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashig iyo wadajirka.