3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2018
Baarlamaanka Soomaaliya oo raali galin ka bixiyay warbixintii Guddiga Maaliyada

 

Sabti, November, 24, 2018 (HOL)- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir Guddoominayay ayaa sheegay in guddoonka golaha ay soo gaartay Warqad ay ku saxiixan yihiin toban Xildhibaan oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda, taasoo ujeedkeedu uu yahay tabasho ka dhan ah warbixin maaliyadeedka meelmarinta qoondada Miisaaniyada 2018-ka.

“Warbixin guddi marka golahu la keenayo waa iney soo martaa Guddiga joogtada ah,mana la soo marsiin waana gef,raali gelin baa idinka siineynaa shacabka Soomaaliyeed baa raali gelin ka siineynaa,dalkana meel fiican buu marayaa howl adag oo miisaaniyada 2019-ka noo taala,ansixintii iyo iyo ka doodistii xisaab xirkii 2017-kii,yeynaan waxaan jirin ku mashquulin, yeynaan hay’addaheena isku burburinin, yeynaan Kalsoonida ka qaadin shacabka Soomaaliyeed,intaasi waxaa weeyaan warbixintan habraacii uu xeer hoosaadka qorayay annagu maanaan soo marsiinin waxaa weeye umanna dhammeystirna ee xubnihii soo gudbiyeyna kuma qorna xubnihii la soo wareystayna kuma lifaaqna, waxaa weeyaan waxyaabihii loo baahnaa cadeymahoodana kuma lifaaqna,sidaasi owgeed agendaha ku saabsan warbixinta halkaasi ayuu ku egyahay soo qaadis dambena malahan,”ayuu yiri Guddoomiye Cawad.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay habraaca loo maro diyaarinta warbixinada isagoo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
11/24/2018 12:14 PM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta gaadhay jiida hore ee deegaanka Tuko raq ee ciidamada Militariga Somaliland fadhiisinka u ah.

11/24/2018 10:52 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, C/laahi Goodax Barre, waxa uu booqasho shaqo ku tagay Jaamacadda ugu weyn dalalka wuqooyiga Yurub ee Lund University ee dalka Sweden, kadib markii uu casumaad gaar ah uu ka helay Jaamacadda Lund, casuumaddaas oo salka ku haysa heshiis is-afgrad ah oo dhex maray Dawladdii ku- meel gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Lund sanadkii 2002. Xiriirka labada jaamacadood waxaa waqti dheer ka soo shaqeynaayey ururka Somali Interntional Rehabiltation Centre (SIRC) ee magaalada Lund, gaar ahaan Prof. C/laahi Maxamed Jaamac, Prof. Arne Ardeberg, Liban Wehliye iyo Dr C/laahi Cilmi Maxamed (Asad).

11/24/2018 8:07 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL)- Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa ilaa 10 Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ku dilay weeraro dhabo-gal ah oo ka dhacay dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dexe.

11/24/2018 7:57 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL)-Wasiirka Wasaarrada Maaliyada xukukumadda Soomaaliya oo maanta tagay xarunta Golaha Shacabka ayaa iska difaacay eedeyntii ay dhawaanta soo jeediyeen guddiga Maaliyada.

11/24/2018 4:20 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL) – Puntland ayaa sheegtay inaysan quseyn laguna xukumi doonin xeerarka ay ansixiso dowladda federaalka.

11/24/2018 4:12 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL)-Ilaa 10 xubnood oo ka tiran guddiga Maaliyada Golaha Shacabka ayaa ka hor yimid islamarkaana sheegay in aysan waxba kala socon warbixintii dhawaan ay shaaciyeen xubnaha guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada u qaabilsan Golaha Shacabka.

11/24/2018 3:40 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL) – Xaflad ka dhacday galinkii dambe ee Jimcihii shalay meel aan sida uga fogeyn xeebta badweynta hindiya ee deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa lagu daahfuray dhismaha deked laga hirgelinayo Garacad oo howsheedu muddo socotay.

11/24/2018 12:48 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in koox burcad ah xalay ku dileen halkaa muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada dalkaasi ku nool.

11/24/2018 12:19 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL)–Dowladda Britain ayaa waxa ay qaaradda Afrika ugu yaboohaysaa lacag dhan 50 milyan oo giniga Istarliinka ah oo u dhiganta 64 milyan oo doolar si ay gacan uga gaysato joojinta gudniinka fircooniga.

11/24/2018 12:08 AM EST
Sabti, November, 24, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashig iyo wadajirka.