4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2018
Puntland: Waa sharci darro xeerarka ay ansixiyaan dowladda federaalka

Sabti, November, 24, 2018 (HOL) – Puntland ayaa sheegtay inaysan quseyn  laguna xukumi doonin xeerarka ay ansixiso dowladda federaalka.

"Golaha xukuumadda Puntland waxa ay caddeeyeen in ay tahay arrin sharci darro ah in sharci wasaaraddii samaysay oo aan laga talogelin dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka in loo gudbiyo Baarlamaanka federaalka kadibna la ansixiyo." ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay shir ay wasiirrada Puntland khamiistii ku yeesheen magaalada Garoowe.

Puntland ayaa ugu baaqday golaha Baarlamaanka federaalka inay ka fiirsadaan xeerarka ay anisixyaan.

Xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland ayaa ah mid aan wanagsaneyn.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]