4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2018
Guddiga maaliyada oo ku kala qeybsamay Warbixintii dhawaan ka soo baxday isla guddigga

 

Sabti, November, 24, 2018 (HOL)-Ilaa 10 xubnood oo ka tiran guddiga Maaliyada Golaha Shacabka ayaa ka hor yimid islamarkaana sheegay in aysan waxba kala socon warbixintii dhawaan ay shaaciyeen xubnaha guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada u qaabilsan Golaha Shacabka.

Qoraal ay xubnahan u qoreen guddoonka Golaha Shacabka ayeey ku sheegeen in ay cabasho ka yihiin warbixintii dhawaan la baahiyay ee guddiga Maaliyadu ku eedeeyay hay’addaha dowladda gaar ahaan Wasaarrada Maaliyada iyo maamulka gobolka Banaadir wax is daba-marin.

Warbixinta guddiga maaliyada oo aheyd mid xasaasi ah ayaa ku eedeysay Wasaarrada Maaliyada iyo maamulka Gobolka Banaadir musuq maasuq iyo in la lusaday lacago Malaayiin dollar ah oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn sida loo isticmaalay.

Akhriso Qoraalka ay soo saareen 10 xildhibaan ee ka biyo diiday warbixinta Guddiga Maaliyadda :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]