Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal
Sabti, November, 24, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo
dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay
magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka labada dal,
xoojinta iskaashig iyo wadajirka.
Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la
dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda
iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la isla qaatay in la bilaabo fulinta
mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxiixdeen labada dal, kuwaas oo ay
ka mid yihiin dhismaha 10,000 oo guri oo ay hay’adda TIKA ee dalka Turkigu
dhismahooda ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxweyne
Ordogan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay
iyo yoolka ay hiigsanayso, isagoona adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo
ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan is oggolaanshaha
labada shacab ah, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo
taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga
mahad celiyey dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga iyo taageerada ay
walaalahooda Soomaaliya u muujiyeen wakhtiyadii adkaa.
Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa
bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan dib u
dhiska dalkooda, isagoona xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay
ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay qodobbadii
ay ka wada hadleen, iyadoona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo
wafdigiisu ay u amba-baxeen dalka Uganda oo ay kulammo kula yeelan doonaan
madaxda iyo masuuliyiinta dalkaas.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]