4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2018
Kismaayo: Gabadh sun u adeegsatay dilka ayeeydeed oo xabsiga la dhigay

Jimco, November, 23, 2018 (HOL) –Deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 15-km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhacday dhacdo arrin lama filaan ku noqotay bulshada deegaankaasi, kadib markii gabadh yar oo da’deeda lagu sheegay 15 sano ay dishay ayeeydeed hooyo, ayadoo dilkaasi la sheegay in ay u adeegsatay sun ay waraabisay.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka, Gabadha yar oo lagu magacaabo Naciimo Bashiir ayaa ka careysnayd ayeeydeed oo canaanatay, waxaana la sheegay in guriga ay xanaaq uga maqnayd fiidkii, kadibna ay dukaan ku yaal deegaanka kasoo iibsatay sunta loo isticmaalo cayayaanka beeraha, markaa kadibna ay ayeeydeed ugu dartay cashada.

Marxuumada geeriyootay oo lagu magacaabi jiray Dahabo Max’ed ayaa la sheegay in ay geeriyootay saacado kadib markii ay cuntay raashiinkii sumeysnaa.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Jubbaland oo gaaray deegaanka kadib markii lagu wargeliyay dhacdadan ayaa gaaray gurigii ay ku noolayd gabadha yar, waxayna eheladeeda ka wareysteen dhacdada, waxayna intaa kadib boolisku xireen gabadha yar ee ku eedeeysan dilka ayeeydeed.

Ehellada gabadha yar ee falkan ku eedeysan oo ay u taallay tacsi, kana murugeysnaa dhacdadan ayay inuu suurogali weysay in aan ka helno xog ku saabsan sida ay wax u dheceen.


Bulshada deegaanka Goobweyn oo maanta isugu yimid gurigii uu falka ka dhacay ayaa aad u hadal haya dhacdadan, ayagoo ku tilmaamay in ay tahay mid ku cusub deegaanka oo aysan hore u arag.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.