4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2018
Mareykanka oo horaanta bisha December ee sanadkan safaaradiisa u raraya Soomaaliya

 

Jimco, November, 23, 2018 (HOL) –Safiirka cusub ee Mareykanka uu u magacaabay Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sheegay in uu dib ugu guurayo Soomaaliya ilaa horaanta bisha December ee sanadkan sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA.

Wuxuu sheegay in arinta aysan aheyn oo kaliya Muqdisho laakiin guud ahaan ay ka howlgali doonaan sida uu hadalka u dhigay Soomaaliya oo idil isaga oo yiri Soomaaliya ma’aha Muqdisho oo kaliya.

‘’Waxaan ka howlgali doonnaa Soomaaliya oo idil Waqooyi ilaa Koonfur, Bari iyo ilaa Galbeed, Soomaaliya ma’aha oo kaliya Muqdisho’’ayuu yiri safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Yamamoto oo dhinacyo badan ka hadlay ayaa sheegay in uu hadda rajo badan uu ka qabo in Soomaaliya ay dib u soo kabaneyso, inkastoo sida uu hadalka u dhigay dhamin yihiin arrimo waaweyn oo u baahan in wax laga qabto, haddana dhinac kale waxaa uu sheegay in hormar la sameynayo.

Mar uu soo hadal qaaday isbaheysiga wadamada Geeska Africa ayuu sheegay in ay muhiim u tahay arintan guud ahaan marka la eego wadamada Geeska, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Eritrea oo dano badan isaga xiran yihiin.

‘’Waxa aan hadda arko waa is dhaxgal Ganacsi iyo waliba hormaro leyska kaashanayo, Soomaaliya saddexdan wadan xudun ayeey u tahay, waxaa jira dano badan oo dhinac-yadan oo dhan iska leeyihiin, sidaa daraadeed ma’ ogolaaneyno in la carqaladeeyo isku soo dhawaanshaha wadamada Geeska Africa’’ ayuu yiri Safiir Yamamoto.

Safiirka ayaa dhinaca kale sheegay in uu qorsheynayo safarro uu ku kala bixiyo xarumaha dowlad gobolleedyada dalka iyo guud ahaanba gobollada Soomaaliya, socaaalkaa oo muhiim u ah ayuu yiri in wax laga qabto baahiyaha bulshada.

“Waxaan booqan doonaa dhammaan gobolada iyo maamul goboleedyada sababtoo ah waxaan rabnaa in si firfircoon uga shaqeeyno caafimaadka,waxbarashada iyo weliba abuurista fursado shaqo oo bulshada u baahan tahay.”ayuu yiri.

Yamamoto ayaa sheegay in ugu danbeyntii in Al-shabaab laga adkaan karo marka la helo maamul adag oo shaqeynaya, mana aha ayuu yiri wax ku kooban Soomaaliya dhibaatada kooxaha xagjirka ah ee sidoo kale waxaa jira dalal kale oo dunida ka tirsan oo ay ku hayaan dhibaato dhinac amniga ah.

Safiirka ayaa dhawaan warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kula kulmay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]