4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2018
MADAXWEYNE BIIXI“ Ninkii nabadda diida ee loo taag waayona waannu Edbinaynaa”

 

Jimco, November, 23, 2018 (HOL) – Madaxweyne Muuse Biixi oo ku jira safarkii uu gobolada bariga ku marayey ayaa maanta gaadhay magaalada Caynabo ee gobolka Sool, waxaanu fariin u direy maamulka Puntland iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo uga yimid golaha wasiirrada maamulka Puntland, kuwaas oo safarka madaxweynaha ku tilmaamay mid fidmo abuur ah.

“Dadka reer Sool dad la cabudhin karo ma aha, waa dhashii daraawiishta oo cidina xoog iyo hanjabaad ulama timaaddo, walaaltinimo iyo maxaynnu yeelnaa baa loola tagaa, waxana aannu leenahay Soomaali maanta uma baahna cabudhin, xoog iyo dagaal, waliba Somaliland iyo dawlad-goboleedka Puntland waligood khilaaf hore iyo colaad hore kama dhexaynin, waana isku xaalad oo labaduba xaalado abaareed oo dhaqaale baa haysta,” ayuu yidhi Biixi oo ka jawaabayey hadalo ka soo yeedhay Puntland oo sheegay in shacabka Sool Somaliland qasab ku haysato.

Waxaanu intaas ku daray “Dadka Puntland annaga waxba nama dhex yaallaan, dadka reer Puntland-na waxannu u naqaannaa dad gob ah, talo qabeen ah oo aan dadka ku ciir-ciirin, qoladan dhallinyarada ah ee imika xukunka haysana waxan leeyahay sidii awoowayaashood iyo boqorradu u dhaqmi jireen ha u dhaqmaan oo miyirka ha soo celiyaan, cidda aynnu is haynno ee dhibaato ka taagan tahayna waa maamulka Muqdisho.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in muranka ka dhexeeya iyaga iyo Puntland tahay mid xududeed, waxaanu sheegay inay Somailand aaminsan tahay xuduudii gumaystuhu sameeyey ee afrika ku dhisan tahay in la isku ixtiraamo.

madaxweynuhu wuxuu eedo usoo jeediyey madaxda sare ee Soomaaliya, waxaanu yidhi “Ninka Soomaalida magaalo magaalo ula dagaallamaya ayaannu leenahay Ilaahayow sharkiisa idinka ururi oo aynnu u baahannahay inaynnu u caqli celinno, haddii loo caqli celin waayona aynnu iska qabannee, annagu Puntland iyo Garoowe uma soconno, mana qaxinayno, mana rabo inay dhibaato gaadho,”

“Somaliland way ka madax bannaan tahay Soomaaliya, waxana ay ku go’day niyaddeeda, haddii aynnu kala madax bannaannahayna colaad, xumaan, weerar iyo necbaansho midna naguma jiro, dad ciil qabona ma nihin oo wixii dhacay ciil maalin walba ka taagan, laakiin waxannu ka yaabnay kuwii hore wixii ay sameeyaan kuwo ka waalan oo Xamar Fadhiya imika, Soomaali iyo cid walba nabad baannu la doonaynaa, ninkii nabadda diida ee loo taag waayona waannu Edbinaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.