4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2018
Saraakiisha dowladda oo sheegay in ay dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab

 

Jimco, November, 23, 2018 (HOL) – Saraakiisha maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaanka Jilib-Marka ku dileen 7 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahannada Al-shabaab.

Maxamed Ibraahim Barre oo ah guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay ciidamada dowladda howlgal ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka ku dileen 7 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab tiro kale oo intaa ka bandanna lagu dhaawacay.

‘Ciidamada dowladda ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaan Jilib –Marka ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaa ay ku dileen 7 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, tiro kale oo intaa ka badanna waxaa ay ku dhaawaceen, howlgalku-na wali waa uu socdaa’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Laakiin dhinaca kale Al-shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in dagaal ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose oo ay la galeen ciidamada dowladda ku dileen Afar Askari dhinaca kalana ku furteen hub iyo saanad ciidan.

Sidoo kale waxaa ay sheegteen Al-shabaab in 12 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ku dileen Qarax miino oo ka dhacay degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ciidamada dowladda ayaa ku soo beegmay xili diyaaradaha Mareykanka duqeyn ka fuliyeen gobollada dhexe ku dileen 50 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]