Trump oo sheegay in CIA-da Mareykanku marnba eedeyn Amiir Dhaxal-sigaha Sacuudiga
Jimco, November, 23,
2018 (HOL) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu sheegay in
CIA-du aanay ku eedayn Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga Maxamed bin Salmaan
inuu amray dilka weriye Jamaal Khaashuqji.
Khaashuqji ayaa waxaa qunsuliyadda uu Sucuudiga
ku leeyahay Istanbul lagu dilay 2-dii bishii Oktoobar.
Saraakiisha Mareykanka ayaa waxa ay warbaahinta
dalkaasi u sheegeen in howlgalka noocaas ah la fuliyo uu u baahnaa in amiirku
uu ansixiyo.
"War kama dambays ah maysan soo
saarin," Mr Trump ayaa yiri mar ay weriyayaashu wax ka waydiiyeen
qiimeynta CIA-da.
"Si gaar ah ayey wax u dareemayaan.
Warbixinta waan hayaa, wax dhameystiranna maysan soo saarin, ma garan karo
haddii qof un ay suuroobayso inuu soo helo in amiirka dhaxalsugaha ah uu
sameeyay arrinta," ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa dilka kaddib waxa uu ku
celceliyay muhiimadda Sucuudi Carabiya ay u leedahay Mareykanka.
Bilowgii todobaadkan, Mr Trump ayaa waxa uu
shaaciyay bayaan uu ku tilmaamayo in Amiirka dhaxalsugaha ah "ay suuragal
tahay inuu si wanaagsan" u ogaa dilka Khaashuqji.
Bayaanka uu Mr Trump ayuu ku sheegay: "Waxaa
suuragal ah inuu Amiirka dhaxalsugaha ah uu wax ka ogaa dhacdadaas musiibada
aheyd - waa suuragal inuu ogaa iyo inuusanba ogeyn!"
17-kii Nofeembar, Xoghayaha Saxaafadda ee Aqalka
Cad Sarah Sanders ayaa waxa ay weriyayaasha u sheegtay in Mr Trump uu kalsooni
ku qabo in CIA-da kaddib markii uu wadahallo ku aaddan dilkii Jamaal Khaashuqji
uu la yeeshay Agaasimaha hay'addaasi Gina Haspel iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda
Mike Pompeo.
Ilo wareedyo ka tirsan warbaahinta Mareykanka
ayaa xilligaa waxa ay sheegeen in aanan la hayn wax caddeyn ah oo amiirka
dhaxalsugaha ah ku xiriirinaya inuu bixiyay amarka dilka, hasayeeshee
saraakiisha ayaa rumaysan in fulinta dilkaasi loo baahnaa ogolaanshihiisa.
Sacuudi Carabiya ayaa waxa eedayntaasi ugu
yeertay mid aanan waxba ka jirin, waxa ayna ku adkaysatay in amiirka
dhaxalsugaha ah uusan waxba ka ogeyn qorshaha lagu dilay Jamaal Khaashuqji.
Xigashada : BBC