4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2018
Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo beeniyay in uu jiro cadaadis uga imanaya dowladda federaalka

 

Jimco, November, 23, 2018 (HOL) – Guddiga doorashada madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxba kama jiraan ku sheegay sheegayay in dowladda Soomaaliya guddiga cadaadis ku saareyso in doorashada laga reebo qaar ka mid ah musharixiinta.

Xog-hayaha guddiga doorashadda Koonfur Galbeed Nuur Cismaan ayaa faahfaahin ka bixiyay Wararka sheegaya in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay caddaadis ku heyso doorashadda maamulka.

Xoghayaha ayaa sidoo kale beeniyay warar sheegaya in uu jiro qorshe la doonayo in mushariixinta qaar looga reebo doorashada la filayo in ay dhacdo 05ta bisha December.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda cadaadis ku saareyso guddiga in doorashada laga reebo musharixiinta kala ah Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur, Xusseen Cismaan Xusseen taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo siyaasiga lagu magacaabo Aadan Saransoor.

Balse Nuur Cismaan oo ah Xoghayaha guddiga ayaa sheegay in wararkaasi yihiin been abuur’’ Annaga waxeynu raacnay hab raacii hore ee guddiggii doorashada naga horeeyay, waad ogtihiin Mukhtaar wuxuu guddoomay shahaataddii musharaxnimada, waa muwaadin u dhashay deegaannadan Koonfur Galbeed isaga iyo musharixiinta kale sabab looga reebi karo doorashada-na ma jirto’’ ayuu yiri Nuur Cismaan.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta ayaa walaac badan ka qaba doorashadda madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed, maadaama ay dalbadeen in dib loo dhigo doorashadda.

Wali waxaa soo baxaya eedeymo loo jeedinayo dowladda oo ah in ay fara-galin ku heyso hannaanka doorashada Koonfur Galbeed.

Magaalada Beydhabo waxaa saacadihii ugu danbeeyay ka soconayay kulamo looga hadlayo xaalada guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed sida loo wajayo doorashada oo tiro saddex jiree dib u dhac uu ku yimid.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]