4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2018
Wasiirka Boostada oo soo dhaweeyay Qaraarkii Ururka ITU ee Soomaaliya

 

Khamiis, November, 22, 2018 (HOL)- Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo dhaweeyay go’aanka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) uu ku ansixiyay laba qaraar oo mid ka mid ah uu gaar u yahay Soomaaliya.

Qaraarka 1aad oo tirsigiisu yahay 34 waa mid guud ahaan oo lagu taageerayo dalalka u baahan inay dib u dhisaan isgaarsiintooda, wuxuuna farayaa madaxda ITU iyo dalalka xubnaha ka ah in ay taageeraan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Sidoo kale wuxuu Goluhu ansixiyay qaraar u gaar ah Soomaaliya oo tirsigiisu yahay 160, kaasi oo ujeeddadiisu tahay in Soomaaliya taageero gaar ah laga siiyo sidii ay dib ugu dhisi lahayd, una casriyeyn lahayd, kaabayaasha isgaarsiinta, in dib loo dhiso wasaarad si casri ah u qalabeysan oo leh hay’adaha awooddoodu dhisan tahay oo hoos taga Wasaaradda, in la dajiyo siyaasadda, sharciyada iyo xeer-nidaamiyeyaasha ay ka mid yihiin qorshaha lambarrada taleefoonka, maareynta hirarka, horumarinta shaqaalaha iyo guud ahaan noocyada kale ee taageero ee loo baahan yahay. Qaraarkan wuxuu farayaa Golaha ITU, xoghayaheeda, Agaasimeyaasha qeybaha kala duwan iyo dalalka xubnaha ka ahba inay si gaar ah Soomaaliya uga caawiyaan horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

Madaxda Wasaaradda iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa bilihii la soo dhaafay galaangal ugu jiray sidii dalalka Carabta iyo Afrikaankaba ay qaraarkan ugu soo dari lahaayeen hindisayaasha ay la soo shir-tagayaan, iyagoo intuu uu shirku socday ay soo jeediyeen, isla markaana difaaceen qaraarkan. Maqaamka dalkeena uu ku leeyahay ITU ayaa sanadkan ka duwanaa doorashooyinkii hore maadaama aan dib u soo ceshanay xuquuqdii codeynta, isla markaana aan yeelanay sharci isgaarsiineed iyo hay’ad u gaar ah nidaaminta isgaarsiinta.

“Waxaan soo dhoweynayaa in la ansixiyay qaraarkii noo gaarka ah iyo kuwa kale ee saameynta nagu lehba. Arrintan waxay naga caawin doontaa inaan dib u dhisano kaabayaasha isgaarsiinteena, isla markaana aan sameyno dib-u-habeynta loo baahan yahay maadaama suuqani uu muddo ku soo shaqeynayay nidaam la’aan” ayuu yiri wasiirka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]