4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2018
Puntland : Muuse Biixi wuxuu soo raray ciidan hadafkiisu yahay sidii dagaal looga ridi lahaa gobolka Sool

Khamiis, November, 22, 2018 (HOL)- Puntland ayaa ka soo horjeesatay socdaalka madaxweynaha Soomaaliland, Muuse Biixi Cabdi ,kaddib kulan ay magaalada Garoowe ku yeesheen golaha wasiirrada Puntland.

"Goluhu wuxuu caddeeyey in safarka Muuse Biixi uu yahay mid uu ku soo raray ciidan hadafkiisu yahay sidii dagaal looga ridi lahaa gobolka Sool." ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay shirka golaha wasiirrada Puntland.

Labada dhinac ayaa muddo ku muransan gobolka Sool oo inta badan gacanta ugu jira Soomaaliland, waxaana ciidan ka kala tirsan Puntland iyo Soomaaliland ay isku horfadhiyaan tan iyo bilowgii sanadkan Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]