4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2018
Doorashada Koonfur Galbeed oo mar kale dib u dhac ku yimid

 

Khamiis, November, 22, 2018 (HOL)- Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in markii saddexaad uu dib u dhac yimid jadwalka doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Doorashadan oo markii hore qorshuhu ahaa in ay dhacdo 17kii bishan ayaa dib loo dhigay kaddib markii uu is casilay madaaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan, meeshana ka baxeen intii badneyd guddigii hore ee doorashada oo iyagu-na intooda badan is casilay,  waxaana guddi doorasho cusub oo la magacaabay u asteeyeen doorashada in la qabto 28ka bishan,

Laakiin qoraal maanta ka soo baxay isla guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed dib loo dhigay ilaa 05 bisha December ee sanadkan.

Hoose ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]