4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2018
Madaxii sirdoonka Ruushka oo geeriyooday

Khamiis, November, 22, 2018 (HOL)- Madaxii  sirdoonka milatariga Ruushka Jen. Igor Korobov ayaa geeriyooday isaga oo 62 jir ah, sida ay shaacisay wasaaradda gaashaan dhigga ee dalka Ruushka.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa khamiista maanta ah sheegtay in Igor Korobov, oo madax ka ahaa GRU, tan iyo sanaddii 2016, uu arbacadii u geeriyooday wax ay ku sheegtay xanuun darran oo muddo hayey oo ah kansar.

Igor Korobov ayaa  horay loogu eedeeyey faro-gelinta doorashadii Mareykanka ee 2016 ayaa ku geeriyooday Moscow.

Sidoo kale, Sirdoonka milatariga Ruushka oo magaciisa loo soo gaabiyo GRU ayaa lala xiriiriyay weerarkii kiimikada neerfaha waxyeesha loo adeegsaday ee ka dhacay Britain kaas oo lagu bartilmaameedsaday Sergei Skripal oo horay uga tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka iyo gabadhiisa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]