4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2018
Sarkaal katirsan maxkamadda sare ee Puntland oo lagu weerarray Boosaaso

Khamiis, November, 22, 2018 (HOL)- Rag ku hubaysan bastoolad ayaa habeenimadii xalay weerarray mas'uul katirsan maxkamadda sare Puntland, kaasi oo ah guddoomiye ku-xigeenka  labaad ee maxkamadda laguna magacaabo Siciid Cabdi Muumin.

Sarkaalka la weerarray ee katirsan laamaha garsoorka aya dhaawac fudud uu kasoo gaaray weerarka, waxaana uu kadhacay xaafadda aadka mashqulka u ah ee  Laanta Hawada.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay weerarkii xalay lagu dhaawacay Garsooraha Maxkamada Sare, mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay ciidammada ammaanka oo ay uga hadlayaan dhacdooyinka dilka iyo dhaawaca ee saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaaladda Boosaaso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]