4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2018
Dabayl ciid wadata oo ku dhufatay dalka Australia

Khamiis, November, 22, 2018 (HOL)- Dabeylo waata boor ayaa harreeyay bulshada ku dhaqan gobollo badan oo ka tirsan  dalka Australia,kuwaas oo midabkii cirka ka dhigay Jaale,isla markaana kor u qaaday wallaaca laga qabo tayada hawada.

Madaxda dalkaasi ayaa maaanta soo saaray digniin ku saabsan xagga caafimaadka ee loo jeedinaayo dadka ku sugan magaalada Sydney iyo kuwo kale ee aysan soo gaarin masiibadaasi. Masuuliyiintu waxay sheegeen in dhibaatadan ay ka dhalatay dabaysha qaadaysa ciidda ingagan ee dhulka.

Gobollo badan oo ay ku jirto koonfurta Wales ,waxaa liita muuqaalka deegaanka ee ay saameeyeen dabeylaha wada boorka,waxaana la sheegaya in duufaantasi ay riixayaan dabeylo qallallan oo wata carro.Laga soo billaabo bishii Agosto dhibaatada waxaa sii kordhinaya abaaro saameeyay gobollo badan sida woqooyiga ,koonfurta iyo galbeedka.

Saraakiil xaggga caafimaadka ah ayaa dadka ku boorinaya in ay joogaan guryahooda,gaar ahaa carruurta,dadka da’da ah iyo kuwa ay dhibaatadu ka heyso dhinaca neefsashada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]