4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2018
Maalinta caalamiga ah ee carruurta adduunka oo Garoowe laga xusay


Khamiis, November, 22, 2018 (HOL)- Xuska maalinta carruur adduunka ayaa Arbacadii shalay lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxa ka qaybgalay wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland, wasiir ku-xigeenka waxbarashada Puntland, mas'uuliyiin ka socday hay'adaha UNICEF iyo  Save The Children.

Xalfadda waxaa kalo ka qaybgalay 70 carruur ah oo ka kala socday xarumaha agoomaha iyo iskuuladda magaalada Garoowe iyo Waalidiin.

Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland, Maryan Axmed Cali oo ugu horrayn carruurta ku soo dhaweysay xuska maalinta carruurka adduunka ayaa xaqiijisay wasaaradda inay ka go'antahay  daryeelka  carruurka iyo ka shaqeynta sidii carruurka ay u heli lahaayeen nolasha ay u baahanyihiin.

"Waxaan mar dhow daahfuri doonaa siyaasada waxqabadka carruurka ee Puntland, bishatan inta aysan dhammaan". wasiir Maryan Axmed ayaa sida ka sheegtay munaasabadda.

Hadallo ay munaasabadda ka jeediyiin mus'uuliyiinta kale ayaa waxaa ay hambalyo u direen carruurta,iyadoo wasiir ku-xigeenka waxbarashada Puntland ,Maxamed Cali Faarax uu uga mahadceliyay wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska iyo hay'adda Save The Children iyo hay'adaha bahwadaagta la'ah sida ay mar walba uga shaqeynayaan horumarinta carruurta.

Dunidda oo dhan ayaa laga xusa maalinta carruurta adduunka 20-ka bisha November,iyadoo xuska maalinta carruurta sanadkan hal ku dhig looga dhigey 'Carruurta ayaa adduunka la wareegaya unna badalaya midab buluug ah'.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]