4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2018
Toogasho ka dhacday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

 

Khamiis, November, 22, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in goor dhaw halkaa lagu dilay qof rayid ah labo kalana lagu dhaawacay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in bartamaha magaalada lagu dilay xisaabiye ka  tirsanaa shirkada Ganacsiga  SAABIR, oo lagu magacaabi jiray Axmed Cali Nuur (Dalaqo),waxaana sidoo kale la dhaawacay laba qof oo  kale sida ay warbaahinta u sheegeen goobjoogayaal.

Dilka ayaa sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjogayaal ah waxaa geystay rag bastoolado ku hubeysnaa oo markii danbe goobta isaga baxsaday.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta dilka iyo cida geysatay intaba wixii warar ah ee ka soo kordhana waan idin soo gudbin doonnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]