Khamiis, November, 22, 2018 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Sucuudi
Carabiya, Caadil al-Jubayri ayaa sheegay in xad lama dhaafaan ah ay tahay in
su'aal la galiyo ama la dhaleeceeyo hoggaanka boqortooyada, taas oo ay ka mid
tahay baaqyada ah in la badelo Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan.
Wuxuu ku cel celiyay in Amiirka dhaxalsugaha ah uusan wax lug ah ku lahayn
dilkii weriyaha Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji oo 2-dii bishii hore lagu
dilay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka
Turkiga.
Hadalka wasiirka ayaa yimid maalin un kadib, markii aqalka kongareeska ee
dalka Mareykanku uu amray in baaritaan lagu sameeyo dowrkii uu Amiirka ku lahaa
dilka weriyaha, taas oo ay ka dhalatay caro caalami ah.
Wasiirka ayaa mar wax laga weydiiyay tallaabo laga qaado dhaxal suge Maxamed
Bin Salmaan haddii lagu helo falkaasi waxaa uu sheegay in marnaba taasi aysan
aqbali doonin dowladda Sacuudiga.
Inkastoo Dowladda Sucuudiga lacag dhan balaayiin doolaar ah ku maalgelisay
dalka Mareykanka ayaa hadana madaxweyne Trump waxa uu qiray in dhaxal suge
Maxamed bin Salmaan "ay suuragal tahay inuu si wanaagsan" u ogaa
dilka Khaashuqji.
Hay'adda sirdoonka ee dalka Mareykanka ee CIA -da ayaa baaritaan ay
sameesay waxaa ay ku sheegtay in Maxamed Bin Salmaan uu ku lug lahaa dilka
weriye Jamaal Khashoggi, balse wasiirka ayaa dilka weriyahaasi ku edeeyay kooxo
sirdoon oo aan damiir lahayn, isagoo na dowladda Turkiga ku booriyay inay soo
bandhigto cadeymo dheeraad ah, ayna joojiso xogta ay dusineyso.
Madaxweyne Trump oo u muuqda inay ka go'antahay sidii uu u difaaci lahaa
danaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa waxaa uu sheegay in Mareykanka
uu saaxiib dhaw la yahay Sacuudiga, taasi na laga eegayo danaha Mareykanka iyo
Isra'iil ee ku aadan Sacuudiga, waxaana uu intaa ku daray in toddobaadka dambe
uu shirka G20 ee ka dhici doonaa dalka Argentina uu kula kulmi doonaa ninka
lagu tuhmayo inuu amray dilka Khashoggi.
Xigashada : BBC