4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2018
Ciidamo ka tirsan Jabhada ONLF oo Jigjiga lagu soo dhaweeyay

 

Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) –Waxey u muuqataa in uu dhaqan-galay heshiiskii magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo Jabhada ONLF, iyadoo maanta magaalada Jigjiga lagu soo dhaweeyay cutubkii ugu horeeyay ciidamo ka tirsan Jabhada oo ka soo kicitimay magaalada Asmara.

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay soo dhaweynta ciidamadan oo muddo dheer dagaal kula jiray dowladda Itoobiya, waxaana sidoo kale lagu wadaa in dabayaaqada bishan gaaraan Jigjiga mas’uuliyiinta ugu sareysa Jabhada.

 

Is dhaxgalka labada dhinac iyo imaashiyaha ciidamadan muddada dheer dagaalka kula jiray Itoobiya magaalada Jigjiga ayaa qeyb ka ah hormarinta heshiiska nabadeed ee labada dhinac dhaxmaray, laakiin wali lama oga mustaqbalka ciidamadan oo hadda ku sugan magaalo madaxda dowlad deegaanka Soomaalida ee Jigjiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]