4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2018
Xulka Soomaaliyeed oo ka Badiyey dhigooda Ethiopia
Talaado, November, 20, 2018 (HOL) - Xulalka kubbadda cagta 23-jirada Soomaaliya ayaa Hal iyo Eber kaga badiyey xulka kubadda cagta 23-jirada ee Ethopia Kulankooda labaad ee is reeb reebka ciyaaraha Olomikada. Cayaartaan ayaa manta ka dhacday garoonka AL-Haji Guulleed ee magaalada Jabuuti.

Is-aragii hore oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa Xulka Soomaaliya looga badiyey  4-0

Kulanka oo ku bilaawday dar daro xoogan ayaa waxaa u soo daawasho tageen taageerayaal badan oo dhiiri gelinayay xulka Soomaaliya. Waxaana  kooxda Soomaaliya u suura gashay in  gool-ku-laad-toos ama (Free Kick) helaan. Waxaana goolkaas u saxiixay Feysal Xasan Axmed oo ka mid kooxdii kubbadda cagta qurbajoogta ee magaalada Muqdisho soo gaartay 17-October kuna sugneyd ilaa 30-October.

“Waxa ay inoo tahay sharaf iyo guul in xidiga aan anaga keenay dalka uu maanta qaranka gool u dhaliyo safaradeena kale ee sanadaha soo aadan waxaan rajaynaynaa guul iyo horomar” waxaa sidaas Qalinle Sports uga waramay Nuur Xaaji Cabdi Wali oo ahaa macalinkii qurbajoogta.

Markii laysku soo laabtay qeybta labaad kulanka labada dal waxa ay soo bandhigey ciyaar ku dheehan xirfad,balse natiijada ayaa noqotay 1-0 oo ay guusha ku qaateyn xidigaha dalkeena Soomaaliya.

““Ma aanan filanaynin in gaarayo heerkan waxaa ku mahadsan cid walbo oo kaalin ka qaadatay in aan qaranka dalkayga gool u dhaliyo anigoo aan ugu imaaday in aan matalo wadanka Norway ma iloobidoono kolkii aan xertay maaliyada xulkayga waana ka sheekeendoonaan waligayga”waxaa sidaaan yiri ( Feysal Xasan Axmed ) oo  ah cayaartooygii dhaliyey goolkii ay ku guuleysteen.