Talaado, November, 20, 2018
(HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo magaaladda Rome kula kulmay Ra'iisal Wasaaraha
Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte ayaa sheegay in dib u xoojinta xiriirka labada
dal uu yahay qorshe mudnaan gaar ah u leh Dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay
Raiisul Wasaaraha dalka Talyaaniga kaalinta uu dalkaasi kasoo qaatay dowlad
dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo ciidanka, isagoona
tilmaamay in kaalintaas oo kale ay haatan ka filanayaan madaxda dalka
Talyaaniga.
Madaxweynaha iyo Ra'iisul
Wasaaraha ayaa si wada jir ah u bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ku
salaysan saaxiibtinimada iyo dan-wadaagga ee ka dhaxeeya labada dal.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku
boorriyay Dowladda Talyaaniga in ay ku dhiirrigeliso ganacsatada iyo shirkadaha
gaarka loo leeyahay ee Talyaaniga in ay maal-gashadaan Soomaaliya iyagoo ka
faa'iideysanaya fursadaha kala duwan ee haatan ka jira Soomaaliya.
"Soomaaliya iyo
Talyaaniga waxay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo ku qotoma iskaashi dhaqaale,
mid dhaqan iyo saxiibtinimo soo martay heerar kala duwan, waana tan udub
dhexdaadka u ah in la xoojiyo xiriirkeena soo jireenka ah si aynu horumar iyo
barwaaqo u gaarsiinno labadeenna shacab."
Dhankiisa, Ra'iisul Wasaare
Conte ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda, wuxuuna
adkeeyay in ay dowladdiisu ka go'an tahay wadashaqeynta iyo taageerada ay u
hayaan Soomaaliya, isagoona bogaadiyey horukaca ay sameysay Soomaaliya.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo
kale soo dhaweeyay hindisaha Dowladda Soomaaliya ee maalgashadayaasha
Talyaaniga si ay ganacsatada Talyaaniga u maalagashadaan Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka,
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyay Ra'iisul Wasaare
Conte horumarka iyo soo kabashada ay hadda ku jirto Soomaaliya iyo sidii labada
dowladood u yeelan lahayeen iskaashi iyo wax-wada-qabsi.
Madaxweyne Farmaajo iyo
Ra'iisul Wasaare Conte ayaa isku raacay ina y sii wadaan xoojinta xiriirka iyo
iskaashiga ka dhexeeya labada dawladood, iyada oo loo marayo istiraatiijiyad
faa'iido wadaag ah oo dan u ah labada dal iyo shacab sii loo xoojiyo xiriirka
dhaqaale iyo dhaqan ee ay wadaagayaan labada dal.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]