4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2018
Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay 37 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab

 

Talaado, November, 20, 2018 (HOL) –Taliska Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed duqeyn ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dileen 37 dagaalyahan oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Duqeynta oo labo jeer kala dhacday ayeey Mareykanku ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Xarardheere, iyaga oo duqeyn hore ku dilay 27 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab, halka weerar kale oo cirka ah ku dileen 10 dagaal yahano kale.

Sheegashada taliska Mareykanka ayaa imaneysa iyadoo shalay weerarro cirka ah laga soo sheegay in ay ka dheceen deegaanno hoos taga degmada Xaradheere.

Ilaa hadda ma jiraan ilo madaxbanaan oo sheegaya khasaare ka duwan kan Maraykanku sheegay, sidoo kale Al-shabaab-na dhinacooda kama aysan hadal warka ku saabsan duqeymahan.

Deegaannada ay duqayntu ka dhacday ayaa la aaminsan yahay in ay xoog ku leeyihiin Al Shabaab.

Ma’aha markii ugu horeysay ee Mareykanku weeraro cirka ah ka fuliyaan deegaanno ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya haba ugu badnaadaan kuwo Koonfurta dhaca, gaar ahaan Jubbooyinka iyo Gedo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]