4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2018
Madaxweyne Biixi oo ka hadlay isbedelka ka socda Geeska Afrika

 

Talaado, November, 20, 2018 (HO)-Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaaladda Burco ee gobolka Togdheer, waxaanay tuulooyinka u dhexeysa Berbera iyo Burco u taagnaa dadweynihii oo safaf dhaadheer ku sugayey salaantiisa.

Shacab-weynaha ku dhaqan magaalada Burco oo ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaanno, madaxda dhaqanka qaybaheeda kala duwan, haween-weyne tiro badan, dhallinyarada gobolka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyntaasi u kala hadhin, waxaanay wadooyinka hareerahooda la taagnaayeen calankii Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Burco ee soo dhaweeyey socod lug ah ku dhex maray, waxana uu kula hadlay fagaaraha xarunta gobolka, isaga oo uga madadceliyey soo dhaweyntaaasi ay u sameeyeen, kuna bogaadiyey in ay midnimadooda iyo wada-jirkooda ilaashaadaan.

Maayarka Burco Mr:Muraad ayaa sheegay in soo dhoweyntii ugu balaadhnayd ee abid madaxweyne loo sameeyo maanta loo sameeyey Madaxweyne Biixi, waxaanu sheegay inay taasi waxba kama jiraan ka dhigtay in dadka qaar ku doodayeen in aan Togdheer lagu soo dhoweynayn.

"Madaxweyne ku soodhawoow gobolka ragga gobolka laysku haleeyo, war nabiibiyuhu keenay bay nacastu raacdaaye anna waxaan soo arkaan nadartu idhaahdaaye, maalin xun baan nalala tartamin oo maalin wanaagsan baan nalala tartamin"ayuu yidhi Maayar Maxamed muraad

Madaxweyne Biixi ayaa dadweynaha reer Togdheer meel fogaare ah kala hadlay, waxaanu yidhi“Dabaysha socota ee la yidhi nabadaynta geeska afrika, iyo midowga dalalka qaar ka dhawaajiyeen waxa hormuud u ah madaxwaynaha Eritrea Isais Afawerki ilaa intii uu noolaa halgan ayuu Ku jirey, laga soo bilaabo maalintii isaga oo Engineering bilaabay sanadka koowaad jaamacadda uu uga tegay ilaa maanta waxa uu Ku jiray halgan uu gobanimo ugu doonayo Eritrea. 32 sanno dagaal ayuu Ku jirey, markii dagaalkii dhammaadayna Itoobiya ayuu cod xornimo kaga qaatay, hadda na itoobiya ayay is dileen oo dal isku qabsadeen. Dad badan oo kumannaan ah ayaa Ku dhintay, hadda na 11 sanno ayuu go'doon ahaa oo uu u adkaystay cadaadis kasta oo la saaray, in uu u hogaansamo gudidii jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo go’aankii Aljeeris in uu aqbalo, Waxa uu diiday in uu ka tanaasulo dhul yar oo dhowr mayl ah oo xadka Ku yaalla in cid kale laga siiyo, tub walba wuu u maray. Tiisiibay noqotay, caalamkoo dhan baa bartiisa ugu yimi. Raisal wasaaraha itoobiya ayaa la yidhi waar adigu halkiisa ugu tag, Asmara. Dhulkaa aad Ku muranteenna sii isaga na talo ka qaado. Waxa uu muujiyay in muraadkii dalkiisu lahaa hadhgal uga hadhi waayay, Somaliland na taas waa ay ka sii adag tahay.”

Mar uu kahadlayey Soomaaliya waxa uu yidhi “Inamada xamar ee shalay jamciyadda quruumaha ka soo hadal qaadayay Somaliland ee lahaa waa in nala la qabtaa waa go'doone, waxaanu u sheegaynaa Afawerki inta uu Maray in ka dheer baanu u maraynaa, ballana waxaanu idiinku qaadnay idinkoo yimaadda ama xornimadayada ogolaada mooyaane aynaan wadahadal, wadahal baad sheegaysaane aanay wax inoo hagaagin".

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.