Talaado, November, 20, 2018 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa jawaab ka bixiyay eedeyn uga timid guddiga Maaliyada u qaabilsan Golaha Shacabka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in uu arkay warbixinta ay soo saareen guddiga oo sida uu hadalka u dhigay xaq u leh in ay arintaa ka hadlaan, balse waxaa uu intaa ku daray in ka wanaagsanaan laheyd in marka hore arrimaha qaar si hoos leysaga wareysto.
“Hay’adda Maaliyadda ee Golaha Shacabka waa Hay’adda ugu sareysa
Dalka Kor jeegteyna way nagu leeyihiin xaq ayay u leeyihiin inay Report
soo saaraan laakiin waxaa wacnaan laheyd arrimaha qaarkood anagaa Hawsha
ku jirnee inaan isla hubsano waxa Bulshada aan u gudbineyno, diyaar
ayaan u ahay inaan hortago Golaha oo aan si fiican u balbalaariyo si
tifaftirana uga jawaabo Is afgaran waaga jira”.ayuu yiri Wasiirka.
Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in Dakhliga Dalka uu kordhay iyadoo ay
cadeyn u tahay sida ay Soomaaliya kaga soo baxday Heshiisyadii ay la
gashay IMF oo ku aadanaa Kororka Dhaqaalaha.
“IMF waxyaabaha ay nagula heshiiyeen waxaa ka mid ah in Dakhliga la
Kordhiyo dhamaan Bilihii naloo qabtay halkii la rabay waan dhaafnay,
annaga iyo Dowlada Hoose si fiican ayaan u wada shaqeynaa wax kastana
way cad yihiin, Guddiga sharafta leh wax ay arkeen inay jiraan ayaa laga
yaabaa wixii khaldan waan saxeynaa laakiin guulo badan ayaan ka gaarnay
Kordhinta Dakhliga”.
Wasiirka Maaliyadda Beyle ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay
inuu hortago Guddiga Maaliyadda iyo Golaha Shacabka si uu kaga jawaabo
dhamaan Su’aalaha ay qabaan, isagoo xusay in haatan isbadal wayn uu ka
jiro Maamulka Maaliyadda Soomaaliya isla markaana taasi ay keentay in
caalamku uu aamino dalkeena.
Guddiga Miisaaniyada,
Maaliyada Qorsheynta iyo La xisaabtanka dowladda ee Golaha Shacabka
ayaa hay’addaha dowladda iyo maamulka gobolka
Banaadir labaduba ku eedeeyay wax is
daba –marin.
Warbixinta guddiga uu soo saaray ayaa looga hadlay wax is
daba marin iyo in si qaldan loo maamulay miisaaniyadda dalka laga soo bilaabo
Janaayo illaa Agosto.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]