4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2018
Xisbi uu hoggaamiye ka yahay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo la diiwaan-galiyay


Talaado, November, 20, 2018 (HOL)-Iyadoo lagu waddo in laga gudbo hannaanka wax ku qabsiga Qabiilka ee 4.5 loogana in gudbo dalku yeesho asxaab ama xisbiyo siyaasadeed ayaa shahaadada aqoonsiga la guddoonsiiyay xisbi cusub oo uu horkacayo guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.

Xisbigan oo lagu gacaabo Xisbiga Cadaallada iyo Hormarka ayaa waxaa guddoomiye ka ah guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, islamarkaana soo noqday Duqii Muqdisho Siyaasiga Jen Xassan Maxamed Xusseen Muungaab, waxaana shahaadda aqoonsiga guddoonsiisay guddoomiyaha guddiga doorashada heer Qaran Xaliimo Ismaaciil Yareey.

Guddoomiyaha Xisbiga ayaa soo noqday Wasiiru-dowlihii Wasaarrada Caddallada dowladda uu madaxweynaha  ka ahaa Xassan Sheekh Maxamuud, sidoo kale waxaa uu soo noqday guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho intii u dhaxeysay 2014-2015kii.

Waxaa sidoo kale lagu xasuustaan in uu soo noqday Guddoomiyihii Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo siweyn waqtiggii uu guddoomiyaha ka ahaa uga qeybqaatay nabada magaalada Muqdisho, isaga oo xilkaa hayay laga soo bilaabo 2010-2014kii.

Xisbiga Cadaallada iyo Hormarka Soomaaliya ayaa waxaa xubno ka ah xildhibaanno hore iyo waliba siyaasiyiin Soomaaliyeed 

Hoggaamiyaha xisbiga Xassan Maxamed Xusseen Muungaab ayaa lagu xasuustaan, dhismihii xarunta Dowladda Hoose iyo mashruucii dalkaaga dhiso, iyo dadaalkii uu u gallay soo celinta hantida dadweynaha iyo waliba muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo dheer siyaabo kala duwan looga heystay guryahooda.

Aas-aasidda xisbigaan siyaasadeed ee uu hogaaminayo Xasan Muungaab  ayaa u muuqata in u diyaargaroobayo doorashooyinka dalka ee 2021 taasoo  ku salaysnaan doonto hanaanka Xisbiyada badan sida la qorsheeyay, waxaana uu qeyb ka noqonayaa asxaab siyaasadeed oo horay loo diiwaa-galiyay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]