4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2018
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya duqeyn ka dhacday gobolka Mudug

 

Talaado, November, 20, 2018 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaarado dagaal ka geysteen deegaan hoostaga gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka Xarardheere.

Gaar ahaan duqeynta ayaa ka dhacday degaanka Maamiye maalintii shalay 5:00 galabnimo, waxaana la sheegay in ku dhawaad 6 Madfac ay diyaarado ku dhufteen labo saldhig oo ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

Goobjoogayaal  iyo saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in duqeyntan lala eegtay xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha soo gaaray ciidamada Al-Shabaab iyo waliba dadka Shacab ah ,maadaama duqeynta ay socotay Waqti dheer.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeynta ka dhacday degaanka Maamiye.

Bishii hore October ayeey aheyd markii weerar lagu qaaday gaadiid kolonyo ah lagu dilay tiro ka badan 60 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab isla gobolka Mudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]