4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2018
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo xilalka laga qaaday

 

Talaado, November, 20, 2018 (HOL) – Qoraal ka soo baxay Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle ayaa xilkii looga qaaday xubno ka tirsanaa maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo xilalkaa-na loo magacaabay mas’uuliyiin cusub.

Wareegtada ayaa looga qaaday xilalkii looga qaaday guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada maamulka gobolka Xusseen Cismaan Cali, iyo Xoghayihii Dowldda hoose ee degmada Beledweyne Cabdixakiin Maxamed Xassan.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cabduqaadir Maxamed Arwaax halka xoghayaha Dowladda hoose loo magacaabay Cabdirisaaq Cali Weerar.

Sidoo kale wareegtada ayaa lagu magacaabay madaxa samafalka iyo maareynta masiibooyinka degmada Maxaas oo loo magacaabay Cali Cismaan Maxamed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]