4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 2 , 2018
Doodda mas’uuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo meel sare gaartay

 

Jimco, November, 02, 2018 (HOL)- Tan iyo wixii ka danbeeyay khudbadii madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu ka jeediyay magaalada Jubba oo si aan horay looga baran uu ugu weeraray siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda uu madaxweynaha ka yahay iyo madaxda dowlad gobolleedyada iyo khudbadii ugu danbeysay ee Duqa Muqdisho waxaa sii xoogeysanayay xifaaltanka labada dhinac.

Saacadihii ugu danbeeyay waxaa baraha bulshadu ku wada xiriirto iyo warbaahinta intaba qabsaday jawaabaha ay arintan ka bixinayaan siyaasiyiinta ku kacsan dowladda oo qaarkood ku tilmaamay fariimihii ugu danbeeyay ee dhinaca dowladda kuwo u eg daandaansi colaadeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, dhinaca kalana ka mid ah siyaasiyiinta dowladda ka soo horjeeda kuwooda ugu magac weyn, ayaa sheegay in ay isku qaban-weyday gogosha uu madaxweynuhu u fidiyay maamul gobolleeed-yada iyo khudbadiisii ugu danbeysay ee uu u jeediyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Jubba ee dalka  Koonfurta Sudan.

Isaga oo la hadlayay BBC ayuu sheegay in hadalka madaxweynaha uu u muuqday daandaasi dagaal iyo jees jees, dhinaca kalana marnaba u adeegeynin in leysku soo dhawaado oo dhameeyo khilaafka taagan.

“Khudbad daan daansi iyo dagaal uu ka muuqdo , Madaxweynaha asigaa dhowr maalin ka hor sheegay inuu gogol u fidiyay madaxda maamul goboleedyad ooo ku baaqayo in shir la isugu yimaado wixii tabasho ah uu garawsan yahay, sida dad badan tuhunsan yahay martiqaadkiisa iyo fariinta xalay uu dirayay wey kala fog yihiin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Wuxuu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in ay ka madaxda dowlad gobolleed-yada ka mid yihiin xoogagga siyaasadeed ee dalka isaga oo yiri’’ Waxaa rabaa inaan xusuusiyo Madaxweynaha kulankii ugu dambeeyay ee Brussels ka dhacay Beesha caalamka ayaa isugu yeertay isaga iyo Madaxda Maamul goboleedyad,a wax laga hadlayo waa arrimo Soomaaliya ku saabsan, looma yeerin Madaxweynaha keligiis, ayagana waa loo yeeray wuu ogyahay Madaxweynaha waaqica horyaala in dalkaan ku jiro marxalad dib u heshiisiin, marka aniga hadalka Madaxweynaha ilama ahan mid nabad iyo dib u heshiisiin oo isu soo dhowaansho raadinaya”ayuu yiri”ayuu yiri Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Xaaladda ayaase ka sii dartay kaddib markii saacadihii ugu danbeeyay baraha bulshada ay dood adag isku weydaar-sadeen guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow  iyo xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladda, kaddib markii uu xildhibaanku qoosaday hadal uu jeediyay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yariisoow ayaa ku tilmaamay siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda kuwo garab siinaya kooxaha Argagixisada, loona baahneyn sida uu hadalka u dhigay siyaasi qaswade ah.

Fiqi ayaa sheegay in gobolka Banaadir sida uu hadalka u dhigay uusan u baaheyn qof Guuldwadeeya, laakiin u baahan yahay qof ka shaqeeya nadaafada iyo in uu wax ka qabto jidadka baliyada biyuhu ka sameys-teen.

‘’ Guddoomiye Yariisow waa hadlay laakin wadooyinka mugdiga noqday, balliyada biyaha Muqdisho roobabku ku reebeen iyo qashinka meel kasta yaalla ayaa shaqadoodu u taallaa iyo inuu wax ka yiraahdo, laakin mucaaradka ka hadalkiisa madaxweynaha ayaa Koofurta Sudan fariin uga Soo diray oo ku filan. Mise dhaqanka Guulwadaynta waa lagu qasban yahay.’’ Waa qeyb ka mid ah erayadii uu xildhibaanku ku soo qoray boggiisa Facebook –ga.

Arrinka ayaa hadda u muuqda mid faraha ka sii baxaya waxaana cirka isku shareertay doodda labada dhinac ay isku marinayaan warbaahinta iyo baraha bulshada.

Madaxda dowlad gobolleedyada ayaa hadda intooda badan waqtigoodu gabaabsi iska sii yahay, waxaana muuqata dagaalkoodii dowladda u wareejiyeen olole doorasho iyo sidii ay isaga difaaci lahaayeen wax ay ugu yeereen fara-galin dowladda dhexe ay ku heyso doorashooyinka ku soo foolka leh deegaannadooda.

Si kastaba ha ahaatee,  dadka sida weyn ugu dhuundaloola arrimaha siyaasada ayaa qaba in madaxda ugu sareysa dalka markan doonayaan in ay shacabka la wadaagaan siraha hoose ee ku dhax qarsoon khilaafka labada dhinac iyo halka ay arrimuhu iska qaban la’yihiin, waxaana taa laga garan karaa khudbadii ugu danbey-say ee madaxweynaha Farmaajo oo sheegay in madaxda dowlad gobolleed-yada doonayaan in ay qataan door aan aheyn kii loo idmaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]