4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 2 , 2018
Xildhibaanno beeniyay in dowladda fara-galin ku heyso doorashada Koonfur Galbeed

 

Jimco, November, 02, 2018 (HOL)- Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay wararka sheegaya in dowladda dhexe faragalin ku heyso doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan, Cabdullaahi Abshiroow, oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan jirin wax faro galin ah oo ay dowladda dhexe ku heyso doorashada Madaxweynaha ee Koonfur Galbeed, taas baddalkeedana dowlad Goboleedyadu ay u madax bannaan yihiin arrimaha doorashooyinka.

“Doorashooyinka Koonfur Galbeed waxaan maqlay in la leeyahay waxaa faro galin ku haya Xukuumadda taas waxba kama jiraan aniga ayaa tagay Magaaladda Baydhabo oo degaankeyga ah mana ku soo arkin waxa lasheegayo runtii maanta wax faro galin majirto balse badaalkeeda waxa socda horumar wanaagsan oo meel kasta laga wado” sidaas waxaa sheegay Xildhibaan Cabdullaahi Abshirow oo la hadlayay warbaahinta dowladda.

Cabdullaahi Abshirow ayaa sheegay in shacabka Koofur Galbeed ay aad u taageersan yihiin dowladda Soomaaliya, kadib markii dowladda ay ku guuleysatay in Maleeshiyaadka Al-shabaab ka saarto Waddada isku xirta Muqdisho iyo Marka oo ay muddo badan dadka shacabka ah Al-Shabaab ku dhibaateyn jireen,

Wuxuu sidoo xusay in ciidamada xoogga dalka uu ku guuleysteen inay kala qaadaan malleeshiyo beeleed muddo isku hor fadhiyey duleedka magaaladda Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose, taasoo uu ku tilmaamay guul ay horseedday dowladda dhexe.

“Shacaabka Koonfur Galbeed waxaa ay ii soo dhibeen Fariin ay ugu mahadcelinayaan Madaxeweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre iyo dhamaan madaxda Dowladda Soomaaliya aad ayey u soo dhaweeyeen howlgalkii lagu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Marka oo aan muddo badan lamarin, sidoo kale waxaa ay ka mahad celinayaan in la kala qaaday Malleeshiyo Beeleedkii Marka isku haystay sidoo kalena heshiis arrintaas laga gaaray”.ayuu yiri Xildhibaanka.

Sidoo kale waxaa beeniyay in dowladda faragalin ku heyso doorashada Koonfur Galbeed xildhibaan Idiris Aadan Dhakhtar oo sheegay in xildhibaannada eedeynta u soo jeediyay dowladda loo baahan yahay in maxkamad la horkeenno. 

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe in ay faragalin ku heyso doorashada 17ka bishan lagu wado in ay ka dhacdo Koonfur Galbeed. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]