4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 2 , 2018
Halkee ayuu ku danbeeyay meydka Jamaal Khashoggi

 

Jimco, November, 02, 2018 (HOL)- Wali waxaa soconaya doodda ku saabsan halka uu ku danbeeyay meydka Wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhax dilay Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in cadeymo kimikal ah oo laga helay beerta qunsulka ay tilmaamayaan in ay suurtogal tahay in halkaa ay tahay meesha medka Khashoggi lagu jarjaray kadibna lagu baabi’iyay kimikada aashitada ama aysidka.

Yasin Aktay oo ah la taliyaha Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa u sheegay wargeyska Hurriyet in dadkii diley Khashoggi ay ku baabi’iyeen meydkiisa kimikada aashitada si aan dib dambe loo ogaan halka lagu diley.

“Wararka ugu dambeeya ee la xiriira dilka Khashoggi sababta ay u jarjareen meydkiisa waxa ay ahayd si ay u fududaato in kimikadaas dhaqso loogu baabi’iyo.”ayuu sii raaciyay warkiisa Aktay oo la hadlay Washington Post

Sida lagu daabacay wargeys ka soo baxa dalka Turkiga baarayaasha Turkiga ayaa loo diiday inay baaraan biyaha ceel ku dhex yaal guriga qunsulka Boqortoyada Sacudi Carabiya ee magaalada Istanbul.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibbada Maraykanka Robert Palladino ayaa ku baaqay in la keeno meydka Khashoggi si qoyskiisa ay u aastaan.

Hatice Cengiz oo ah gabadhii uu doonayay inuu guursado Khashoggi kuna sugaysay afaafka hore ee qunsuliyada Sacudi Carabiya ayaa sheegtay in waxa lagu sameeyay meydka Khashoggi ay tahay wax fool xun oo aan naxariis lahayn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]