4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 2 , 2018
Dunida oo laga xusay maalinta la xisaabtan la’aanta tacadiyada ka dhanka ah suxufiyiinta

 

Jimco, November, 02, 2018 (HOL) - Sannad kasta maanta oo kale, marka ay taariikhdu ku began tahay 2-da bisha Nofeembar waxaa dunida laga xusaa munaasabadda soo afjaridda isla xisaabtan la’aanta la xiriirta tacadiyada ka dhanka ah suxufiyiinta caalamka.

Soomaaliya waxay safka hore uga jirtaa dalalka ay ka dhacaan xad gudubyada ugu badan ee ka dhanka ah saxaafadda iyo suxufiyiinta.

Muddadii 12-ka sano ahayd ee la soo dhaafay, oo ah intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2017, ku dhawaad 1010 wariye ayaa caalamka lagu dilay iyagoo soo tabinaya warar iyo macluumaad ay u gudbinayaan bulshada.

Sagaal ka mid ah tobankii qof ee suxufi dilaba wax ciqaab ah lama kulmaan, In lala xisaabtami waayo dadka waxyeelleeya suxufiyiinta waxay sii dhiirri galisaa iney bataan dilalka waxayna inta badan calaamad u tahay heerka xun ee ay gaaraan dagaallada iyo in laga tallaabsado hannaanka sharciga iyo caddaaladda.

Markii ugu horreysay sannadkii 2013-kii ayaa 2-da bisha Nofeembar loo asteeyay maalinta soo afjaridda isla xisaabtan la’aanta tacaddiyada suxufiyiinta, ka dib markii isla maalintaas dalka Mali lagu dilay 2 wariye oo u dhashay waddanka Faransiiska.

Dalalka Afqaanistaan, Suuriya Ciraaq iyo Yemen ayaa lagu tilmaamay inay ka mid yihiin kuwa ugu halista badan ee ay warbaahinta ka howlgasho.

Laakiin Soomaaliya waxay sannadkan mar kale kaalinta hore ka gashay dalalka tacaddiyada ugu badan loogu geysto suxufiyiinta.

War bixin ay soo saartay hay’adda CPJ ee u doodda xuquuqda wariyeyaasha ayaa lagu qeexay in Soomaaliya ay meesha ugu hooseysa uga jirto 14-ka dal ee dhibaatada ugu badan ay kula kulmaan wariyeyaasha.

Muddo aad u dheer, weriyayaal badan oo Soomaaliya ka shaqaynayay ayaa la kulmay waxyeello isugu jirta dil, dhaawac, xarig iyo handadaad joogto ah, oo shaqadooda ka dhan ah.

Sidoo kale waxa jira xarumo warbaahineed oo shaqada laga joojiyay, iyo wariyeyaal si iskood ah uga tanaasulay guud ahaan shaqada saxaafadda, ka dib markii ay u adkeysan waayeen handadaadda loo geysto iyo cabsida xoogga leh ee ay ka qabaan in la dilo.

Tan iyo sannadkii 1992-kii, oo ku beegneyd hal sano ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ilaa 64 suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya, mana jirin dad si rasmi ah loogula xisaabtamay iney dilalkaas ka dambeeyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]