4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 2 , 2018
Yasiiroow : Siyaasiyiinta khaswadayaasha ah hala soo safteen Argagixisada

 

Jimco, November, 02, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa weerar ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda, isaga oo sheegay in aan laga aqbali doonin sida uu hadalka u dhigtay in ay xagxagtaan dowladda dhexe.

Wuxuu sheegay in siyaasiga mucaaradka ah aan looga baahneyn in uu noqdo mid kaliya buunbuuniya sida uu hadalka u dhigay amaan darada dalka ka jirta, laakiin taa badalkeeda looga baahan yahay in dhaliishooda noqoto mid lagu toosiyo dowladda oo wax dhisaneysa.

“Siyaasigii khas wade ah hala soo safto kooxda argagixisada ah ma aqbali doono in dhexdeena uu khaska ka wado oo uu dowladda xagxagto, ha noqon mucaarad kaliya ka hadla dhanka xun iyo amni daraddo in ay dalka ka jirto” ayuu sheegay Duqa Muqdisho Eng Yariisoow.

Hadalka Duqa Muqdisho ayaa imanaya xili maalin ka hor madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeedinayay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Jubba ee dalka Koonfur Sudan ku tilmaamay siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladda iyo madaxda dowlad gobolleedyada kuwo xadkoodii tallaabay kana shaqeynaya wax aan aheyn sida uu hadalka u dhigay howlihii loo idmaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]