4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 2 , 2018
Sharuudaha doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed oo lagu dhawaaqay

 

Jimco, November, 02, 2018 (HOL) – Iyadoo 17ka bishan November, lagu wado in la qabto doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayeey ku guddiga doorashada ku dhawaaqeen sharuudaha laga doonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Sharuudaha laga doonayo musharaxa ayaa kala ah :

1- Inuu yahay muwaadin Soomaali ah, una dhashay deegaannada Koofur Galbeed, oo aan qabin xaas ajnabi ah.

2- Inuu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta islaamka.

3- Da'diisu in aysan ka yarayn 40 sano.

4- Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaas.

5- In Dhimirkiisu dhan yahay.

6- In uusan galin dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay.

7- Inuusan haynin wax xil ah oo loo magacaabay

8- Bixinta curaar dhan $20,000 (ragga), $10,000 (dumarka).

9- Inuu u hogaansamayo habraaca guddiga qabanqaabada doorashada, iyo inuu ku qancayo natiijada.

Doorashadan ayaa ah mid xiiso gaar ah wadata, iyadoo ay ku loolami doonaan musharixiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ku eedeeyay dowladda in ay gadaal riixeyso musharixiin gaar ah.

Xildhibaannada Koonfur Galbeed qaarkood ayaa la sheegay in ay Muqdisho u tageen arrimo la xiriira doorashada, iyaga oo kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Sidoo kale musharixiinta xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka mid ah Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur, wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo taliyihii hore ee nabad-sugida Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]