4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 2 , 2018
Aadan Barre Ducaale : Madaxda Soomaalida ha u heshiiyeen sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen jahwareerka

 

Jimco, November, 02, 2018 (HOL) – Xilidhibaan Aaden Barre Ducaale oo ka tirsan barlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in mas'uuliyiinta Soomaaliya ay u midoobaan sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen jahawareerka iyo isjiidjiidka siyaasadeed ee muddaba taagnaa.

Hadalkiisa ayaa waxa uu imanayaa xilli kalaqeybsanaan baahsan ay ka dhex jirto madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboledyada dalka, kuwaas oo bilihii ugu dambeeyay hawada isu marinayay hadalo ad adag.

Dhinacba dhinaca kale ayuu ku eedaynayaa inuu hurinayo xiisadda haatan taagan, oo madaxda federaalku waxa ay ku eedaynayaan madaxda maamul goboleedyada inay faraha kula jiraan siyaasadda arrimaha dibadda halka maamul goboleedyaduna ay ku doodayaan in dowladda dhexe ay ku mashquulsan tahay arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada.

Haddaba xildhibaan Aaden Barre oo ah siyaasi laga soo doorto magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegaya inuu u damqanayo walaalihii Soomaaliya, ayna wanaagsan tahay in madaxda dalkaasi ay u midoobaan danta dalkooda hooyo "Waxaa talo iga ah in madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu ay heshiiyaan, una daneeyan waqti walbo duruufaha shacabka iyo dalka oo ay iyagu dhexdooda aanay isku soo noqon''.

Aaden Barre ayaa dhanka kale sheegay in nabadgelyo iyo xasillooni Soomaaliya ka dhacda ay dan ugu jirto dhammaan dadka Geeska Afrika, taasna ay fursad u siin doonto in shacabka Soomaaliyeed uu soo ceshto sharaftii iyo sumcaddii uu Afrika ku dhex lahaa.

Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in labada dhinac ay isu samraan "taasna waxaan leennahay weliba odayga ugu sarreeya waa Madaxweynaha ee, ayaa la rabaa in uu u dulqaato ragga madaxda ka ah dowladd goboleedyada'' ayuu yiri xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo la hadlay BBC-da.

Siyaasigan ayaa waxa uu sheegay in arrintan ay ku dhalisay culeyska uu leeyahay khilaafka aan xalka laga gaarin ee mudaba ka taagnaa Soomaaliya maadaama uu yahay siyaasi Soomaaliyeed talana ka dhiiban karo arrimaha cakiran ee haysta walaalihii.

Xildhibaan Aaden Barre ayaa dhanka kale sheegay in xukumadda Kenya ee uu isagu ka mid yahay madaxda ugu sarsareysa ay mar walba ka go'an tahay inay la shaqeyso dowladda federaalka ee Soomaaliya si xal waara looga gaaro dhibaatada sanadaha badan dalkaasi ka tagneyd.

Xigasho : BBC