4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 2 , 2018
Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle oo xilka qaaday duqii degmada Beledweyne

 

Jimco, November, 02, 2018 (HOL) –Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaarradda arrimaha Gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilkii duqa degmada Beledweyne looga qaaday Cali Cabduqaadir Sandheere, kaddib khilaaf xoog leh oo soo kala dhax-galay guddoomiyaha gobolka iyo mas’uulkan xilka laga qaaday.

Wareeg-tada ayaa sidoo kale Khadar Xassan Afrax loogu magacaabay in uu noqdo duqa cusub ee degmada Beleweyne, isaga oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenka maaliyada degmada Beledweyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa eedeyn kulul u jeediyay duqa degmada ee xil ka qaadista lagu sameeyay isaga oo faray laamaha amniga in xabsiga loo taxaabo, laakiin eedeyn guddoomiyaha waxaa diiday Cali Sandheere oo sheegay in guddoomiyuhu weerar cad ku soo qaaday xafiiska maamulka dowladda hoose ee degmada Beledweyne.

Magacaabista iyo xil ka qaadista mas’uuliyiinta heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan ayaa noqotay tusbax furtay , iyadoo dad badani ay arintan su’aalo iska weydiinayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]