4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2018
Madaxweynaha Puntland oo magacaabay duqa cusub ee degmada Gaalkacyo
Duqa cusub ee degmada Gaalkacyo,Yaasiin Cabdisemed Cumar
Duqa cusub ee degmada Gaalkacyo,Yaasiin Cabdisemed Cumar

Sabti, November, 17, 2018 (HOL) –  Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u magacaabay duqa degmada Gaalkacyo, Yaasiin Cabdisemed Cumar oo xilka u sii heyn doona si kumeelgaar ah, halka ku-xigeenka duqa degmada Gaalkacyo loo magacaabay, Cabdinaasir Cigaal Xirsi oo si la mid ah xilka u heyn doona si kumeelgaar ah.

Wareegtada magacaabiista ayaa waxa ka horreysay wareegto uu madaxweynaha Puntland uu ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabiis iyo xilka qaadisba sameeyay toddobaadyadii u dambeeyay,iyadoo muddada xil heynta ay ka dhimantahay muddo ka yar 60 maalin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]