4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2018
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Turkiga

Sabti, November, 17, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa  la kulmey Madaxweyne ku-xigeenka dalka Turkiga Fuat Oktay.

Labada mas'uul ayaa  waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, wuxuuna Guddoomiyaha Golaha Shacabka  uga mahad celiyey kaalinta muuqato oo dowladda Turkiga ay ka geesteen dib u dhiska dalka Soonaaliya.

Sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu la kulmey Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka dalka Turkiga oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Baarlamaanka labada dal.

Guddoomiyaha Golaha shacabka , ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Turkiga, halkaas oo u kulamo ku qaadanayay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]