4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo gudaha xarunta Xalane warqadaha aqoonsiga uga guddoomay safiirka Mareykanka

 


Sabti, November, 17, 2018 (HOL) -Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay xarunta Xalane oo ku taal xeyndaabka  sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaja Muqdisho, halkaasoo wada  hadalo kula qaatay Amb Donald Yamamoto. 

Danjiraha cusub Yamamoto ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo  sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto  dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahad  celiyey,  isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda  Soomaaliya ay la shaqayn doonto.

Hadii ay Mareykanku Soomaaliya Safaarad ku yeeshaan waxa ay sii xoojineysaa xiriirka labada dal waa Mareykanka iyo Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]