4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2018
Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed oo la magacaabay

 

Sabti, November, 17, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed islamarkaana ah ku-simaha madaxweynaha C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa ku dhawaaqay guddi doorasho oo ku kooban 15 xubnood.

Guddigan ayaa markii la magacaabay kaddib waxaa ka la horgeeyay fadhiga xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed oo iyaguna ku ansixiyay cod aqlabiyad ah.

Gudigan oo badali doonaan xubnihii horey isku casilay ayaa laga sugayaa dhameystirka howlaha ka dhiman qabanqaabada loogu jiro doorashada, kaddib markii ay dib uga dhacday waqtiggii loo idmaday maanta oo ay taariikhdu tahay 17ka bisha.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  ah mid siweyn isha looga wada hayo oo ay ku laalami doonaan musharixiin dhowr ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]