Sabti, November, 17, 2018 (HOL) – Maanta ayaa lagu wadaa in la shaaciyo guddi cusub oo
qaabilsan doorashada Madaxweynaha Koofur galbeed, kaddib markii Guddigii hore
ay is casileen.
C/qaadir Shariif Sheekhuna ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha
Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa la filayaa in uu
magacaabo Guddiga doorashada Madaxweynaha, si ay u diyaariyaan howlaha
doorashada.
Kulan uu isugu imaan doono Baarlamaanka Koonfur
Galbeed ayaa la filayaa in lagu horgeeyo xubnaha Guddiga cusub ee doorashada
madaxweynaha, laguna ansixiyo.
Guddigan ayaa la filayaa in 10 maalin gudahood ku
diyaariyo howlaha doorashada, waxaana uu soo bandhigi doonaa shuruudo cusub oo
laga doonayo Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa 10
maalin dib loo dhigay, waxaa la filayaa in ay dhacdo 27-ka bishan November.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]