4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 16, 2018
Itoobiya oo xabsiga dhigtay Col Gabre oo ahaa sarkaal siweyn looga yaqaanay Soomaaliya

 

Jimco, November, 16, 2018 (HOL) – Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay Colonel Gebregziabher Alemseged laakiin Soomaalidu u taqaanno Col Gabre isaga oo loo heysto danbiyo kala duwan

Gabre ayaa ku eedeysay danbiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin xad gudub xuquuqda aadanaha ee gobolka ay Soomalidu degto ee dalka Ethiopia iyo in uu ku lug lahaa banaanbaxyadii rabshadaha watay ee dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Jigjiga.

Gabre oo hore u ahaa taliyihii ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya kadibna noqday lataliyaha dhinaca siyaasada ee urur goboleedka IGAD balse laga ceyriyay bishi June ee sanadkan.

Dowladda Itoobiya ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku howlaneyd dab-galka iyo xariga saraakiil hore oo ka tirsanaa laamaha kala duwan ee Amniga kuwaa oo ku eedeysan fal danbiyeey-do kala gadisan, musuqmaasuq iyo waliba hurinta dagaallo dad badan ku dhinteen.

Col Gabre ayaa siweyn looga yaqaanaa gudaha dalka Soomaaliya isaga oo waqtiggiisa ugu badan ku qaatay magaalada Muqdisho siyaabo kala duwanna ula soo shaqeeyay dowladdihii dalka isaga danbeeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]