Soomaaliya oo marka kale safka hore ka gashay dalalka ugu khatarta badan ee loo safro
Jimco, November, 16, 2018 (HOL) – Waddamada
Soomaaliya, Liibiya iyo Afqaanistaan ayaa noqday meelaha ugu halista badan
caalamka, sida lagu sheegay daraasad cusub oo khariidad loogu sameynayay dadka
dunida u socdaala.
War bixintan oo ay si wada jir ah u soo saareen hay'adda caalamiga ah ee
caafimaadka iyo nabad galyada ee SOS iyo hay'adda la socodka khataraha adduunka
ayaa musaafuriinta loogu sheegayay xaaladaha ka jira meelaha ay safarrada ku
tagayaan sannadka foodda nagu soo haya ee 2019-ka.
Dalalka ku yaalla qaaradda Yurub ee kala ah Finland, Norway iyo Iceland ayaa
loo aqoonsaday iney yihiin meelaha ugu nabdoon ee loo safri karo.
Liibiya, Afqaanistaan, Soomaaliya iyo Suuriya ayaa dhammaantood safka hore
ka galay meelaha uu khatarta dhimashada iyo waxyeellooyin kaleba kala kulmo
karo qofka.
Liiska dalalka ayaa la isugu xijinayay sida ay u kala halista badanyihiin,
iyadoo dalalka ugu hooseeyana ay yihiin kuwa ugu khatarta yar.
Waxyaabaha ugu badan ee diiradda la saarayay ayaa ah xaaladaha caafimaadka,
amniga iyo nabadgalyada waddooyinka.
Dalalka Africa ee sida gaarka ah ay caafimaad darradoodu aad ugu sarreyso
ayaa lagu sheegay iney yihiin Suudaanta Koonfureed, Niger, Ivory Coast iyo
Sierra Leone.
Dalalka kale ee caafimaad darradooda laga deyriyay ayaa waxaa ka mid ah
Ciraaq, Lubnaan, Venezuela iyo Kurriyada Waqooyi.
Dhanka kale waddamada ay xaaladdooda caafimaad aadka u wanaagsantahay ayaa
lagu sheegay iney kala yihiin kuwa qaaradda Yurub iyo waddamada kale ee kala ah
Canada, Mareykanka, New Zealand iyo Japan.
Dalalka Brazil, Shiinaha iyo ruushka ayaa loo tix galiyay in khatartooda
caafimaad ay sii kordheyso.
Marki la eego dhinaca amniga, waddamada ay khatarta xad dhaafka ah ka jirto
ayaa lagu tilmaamay iney yihiin Afqaanistaan, Suuriya, Yemen, Liibiya,
Soomaaliya Suudaanta Koonfureed iyo Mali, kuwaasoo usii kala halis badan sida
ay u kala horreeyaan.
Meelaha ugu caansan ee dalxiiska loo tago sida Mexico, qaar ka mid ah
dalalka la isku yiraahdo Caribbean-ka iyo qeybo ka mid ah Hindiya ayaa lagu
tilmaamay iney khatarta ku badantahay.
Hase ahaatee meelaha uu amnigooda aad u wanaagsanyahay ayaa lagu sheegay
dalalka Denmark, Switzerland, Slovenia, Iceland, Greenland iyo Finland.
Marka laga soo tago qaaradda Africa, waddamada kale ee halista ugu badan ee
waddooyinka iyo shilalka gaadiidka ay ka jiraan ayey warbixintan ku sheegtay
iney yihiin Brazil, Bolivia, Sucuudiga, Iiran iyo Kazakhstan.
Qeybtan, dalka Mareykanka ayaa ka galay meel dhex dhexaad ah.
Inta badan dalalka Yurub ayaa lagu qeexay iney aad ugu yartahay khatarta
dhinaca waddooyinka waxaana la mid ah waddamada Japan, Australia iyo Zew
Zealand.
Xigasho : BBC