4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 16, 2018
Addis Ababa: Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya oo kulmay

Jimco, November, 16, 2018 (HOL) –  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya,Monica Juma, kulan doceed dhinac socda Shirka gaarka ah ee 20aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa.

Intii kulanku socday  ayaa labada dhinacba waxa ay muujiyeen rajo wanaagga wadahadalka dhexmaray.

Labada dhinac waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda uu leeyahay kulankooda oo diirrada lagu saarray xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga oo dhinac kastaba leh, iyada oo loo sii marayo Guddiga Iskaashiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Kenya, si la mid ah waxaa fadhiggaasi lagu faaqiday arrimaha ammaanka iyo nabadgelyada Geeska Afrika iyo howlgalada AMISOM.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]