3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 16, 2018
Shir Urur gobolleedka IGAD maanta uga furmaya magaalada Addis Ababa

 

Jimco, November, 16, 2018 (HOL) – Wasiirro arrimo dibaddeedka ku jiray Urur gobolleedka IGAD ayaa lagu wadaa in maanta uu shir uga furmo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo kulanka looga wada hadli doono heshiiska dowladda iyo Mucaaradka Koonfur Sudan iyo xaalada Soomaaliya.

"Shirka waxaa looga wada hadlayaa Qorshaha Heshiiska Dib-u-heshiisiinta ee Heshiiska Khilaafka Koonfurta Sudan iyo horumarka Soomaaliya," ayaa lagu yiri war ka soo baxay IGAD shalay.

Gaar ahaan Wasiirrada ayaa ka wada hadli doono qorshaha amniga magaalada Jubba ka hor inta uusan halkaa ku laaban hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas Mr Machar oo dalka isaga cararay bilowgii bishii July sanadkii 2016ka.

Soomaaliya waxaa shirkan ku matalaya Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda Axmed Cawad Ciise oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wadamada Geeska Afrika ayaa hada waxaa ka soconaya horumar weyn, kaasi oo ku aadan in heshiisyo dhowr ah ay kala Saxiixdeen dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/16/2018 11:58 AM EST
Jimco, November, 16, 2018 (HOL) – Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay Colonel Gebregziabher Alemseged laakiin Soomaalidu u taqaanno Col Gabre isaga oo loo heysto danbiyo kala duwan

11/16/2018 8:35 AM EST
Jimco, November, 16, 2018 (HOL)–Waddamada Soomaaliya, Liibiya iyo Afqaanistaan ayaa noqday meelaha ugu halista badan caalamka, sida lagu sheegay daraasad cusub oo khariidad loogu sameynayay dadka dunida u socdaala.

11/16/2018 6:58 AM EST
Jimco, November, 16, 2018 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Marwo Danjirad Monica Juma, kulan doceed dhinac socda Shirka gaarka ah ee 20aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa.

11/16/2018 4:37 AM EST
Jimco, November, 16, 2018 (HOL) – Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay la xiray Shan Askari oo kaamid ah Ciidanka Booliska Soomaaliya kuwaas oo magacyo kala duwan oo aysan laheyn Mushaar ku qaadanayey.

11/16/2018 12:31 AM EST
Jimco, November, 16, 2018 (HOL) – Yoshitaka Sakurada oo ah Wasiirka Amniga kombiyuutarrada dalka Japan ayaa ka yaabsaday dalkiisa iyo guud ahaanba caalamka kaddib markii uu qirtay in uusan waliggii-ba isticmaalin Kombiyuutar .

11/16/2018 12:20 AM EST
Jimco, November, 16, 2018 (HOL) –Iyadoo dhawaan la filayo in ay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed dhinaca kalana uu meesha ka baxay madaxweynihii maamulka Shariif Xassan Sheekh Aadan , ayaa la faray golaha Wasiirrada maamulka in ay ilaaliyaan hantida umadda.