4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 16, 2018
Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo la amray in ay ilaaliyaan hantida dadweynaha

 

Jimco, November, 16, 2018 (HOL) –Iyadoo dhawaan la filayo in ay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed dhinaca kalana uu meesha ka baxay madaxweynihii maamulka Shariif Xassan Sheekh Aadan , ayaa la faray golaha Wasiirrada maamulka in ay ilaaliyaan hantida umadda.

Kulan dhaxmaray ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhu-naa Maye iyo golaha Wasiirrada ayaa looga wada hadlay qodobo dhowr ah, isaga oo faray golaha Wasiirrada in ay iska ilaaliyaan hantida dadweynaha.

Sidoo kale kulanka ayaa leys-kula soo qaaday xaalada guud ee amniga KGS iyo in wasaarad waliba wixii agab ah oo ay hayso, iyadoo qoraal ahaan ah u keenaan xafiiska madaxweynaha KGS si xiligan kala guurka ah aysan u dhicin ku tagrifal awoodeed.

Qaar ka mid ah Wasiiradda maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo gudbiyay hantida iyo qalabka ay hayaan, waxaana ka tijaabiyay siihayaha xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Inkastoo doorashada uu isaga haray Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ah shaqsi miisaan culus ku dhaxlahaa siyaasada Soomaaliya, haddana wali doorashadu ma xiiso la’a oo waxaa ku tartami doona shaqsiyaad siweyn ugu loolami doona codadka golaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana musharixiinta ka mid ah Mukhtaar Rooboow Abuu-Masuur oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururka Al-shabaab, laakiin sheegay in uu isaga baxay Ururka, xubno ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo mas'uuliyiin horey xilal dalka uga soo qabtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]