4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 15, 2018
Dhallinyarada Soomaalida ee London iyo weerarrada mindiyaha

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-   Degmada Camden oo ka tirsan magaalada London waxay ka mid tahay qaybaha ay Soomaalidu ka deggan yihiin magaaladaas. Qaar badan oo bulshada Soomaalida ah ayaa halkaasi gaaray si nolol fiican ay uga helaan, ka dib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

Balse dhalinyarada Soomaalida ah ee halkaasi ku dhaqan qaarkood ayaa waxa ay la kulmeen mowjado weerarro ah oo loo adeegsado mindiyo taasi oo saamaysay guud ahaan Soomalida ku nool London.

Hadda waxaa socda dadaal ay wadaan Odayaasha Soomaalida oo is abaabulay isla markaana habeenkii u baxa iney ku gaaf wareegaan wadooyinka si ay u sugaaan amniga da' yarta.

Sanadkan oo kaliya ayaa Camden lagu dilay shan qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen Soomaali.

20kii bisha Febraayo waxaa la toorriyeeyay Abdiqaadir Xasan, isla habeenkaasna Sadiiq Aadan ayaa la dilay.

Fawsiyo Cabdi waa hooyada dhashay Sadiiq Aadan, xaaladdana wey ku sii xumaanaysaa waxa ayna tiri iyadoo ka hadlaysa saamaynta ay ku reebtay falkaan "Waxaan ahay hooyada Sadiiq Maxamed, ma garanayo waxa jira, waan dareemayaa xanuunka, wiilkayga Sadiiq waxaa la tooriyeey 28 mar, maalin iyo habeen waan la xanuunsadaa"

Xaafadda Camden oo ay Soomaalida aad ugu badan tahay ayaa waalidiinta waxa ay isugu yimaadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen falalkan galaafta nolosha carruurtooda, mid ka mid ah ayaa waxa uu yiri "18 dhalinyaro Soomaali ah ayaa sida la aaminsan yahay noloshooda ku waayey xaafaddan, Camden waxay ka mid tahay xaafadaha ugu xun ee dambiyada dhalinyarada loogu gaysto, sidaas awgeed waxaan isku dayeynaa inaan caawinno dhalinyaradeenna, oo aan ka hortagno inay dhibaatada sii kororto".

Sanadkii 2017kii waxaa jiray boqollaal dhibaneyaal ah oo ay dhaawacyo ka soo gaareen toorriyeyn ka dhacday xaafaddan.

Cumar waxa uu ka mid ahaa ilaalada ka howlgala xaafaddan waxa uuna yiri "Ciidamada booliska waxaan ka codsan lahayn inay shaqadooda qabsadaan, shaqada aan hayno ma'ahan teenna , carruurteenana waxaa loo dilaa sabab la'an".

Oday dhaqameedyada Soomaalida ee ku nool xafaaddan ayaa waxay ku kulmaan maqaayadaha, waxa ayna ka hadlaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ay wajahaan dhalinyarada ku nool xaafaddan.

Maxamed Faarax oo ah madaxa jaaliyadda Soomaalida ee daggan xaafaddan ayaa yiri "fikir ahaan waxay ila tahay inay arrintan dowladda masuul ka tahay, sababtoo ah dowladda lacag ku filan kuma bixiso howlaha booliska iyo arrimaha maalgashiga waxbarashada"

Rabshadaha loo gaysto dhalinyarada Soomaalida waa mid adag oo wajiyo kala duwan leh, booliskana waxay sheegayaan inaysan jirin wax loo sababayn karo dhibaatooyinkan oo uusan jirin wax xal ah.

Carruurta la adeegsaday waa kuwo daciif ah waxayna aad ugu badan tahay ineysan awood u lahayn iney booliska macluumaad u soo gudbiyaan, si ay laamaha sirdoonka ay ugu suurta gasho helitaanka hababkii lagu soo badbaadin lahaa.

Xigasho: BBC