4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Safiirka cusub ee Marekanka oo soo gaaray Muqdisho

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-   Safiirka cusub ee Marekanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho,howlgalka Marekanka ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay imaanshiyaha Danjire Yamamoto, xilli uu ka dhawaaqjiyay inuu sii dardargelin doono xoojinta cilaqaadka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Marekanka.

"Marekanka waxa uu ku faraxsan yahay inuu ku dhawaaqo imaanshiyaha Ambassador Donald Yamamoto ,si uu u hoggaamiyo howlgalka Marekanka ee dowladda Soomaaliya." ayaa lagu yiri bayaan uu baahiyay xafiiska howlgalka Marekanka ee Soomaaliya.

Danjire Yamamoto, waa mid ka mid ah safiiradda ugu waaweyn ee Marekanka u fadhiya qaaradda Afrika,arrintaa oo la sheegay inay fursad u tahay xiriirka labada dal oo mar kale xooggeysta,tan iyo sanadkii 2014-kii marka oo u Marekanka dib usoo celiyay howlgalkiisa diblumaasiyadeed ee Soomaaliya,taasi oo noqotay markii ugu horreysay muddo ku siman 25 sanno.

Donald Yamamoto , oo la magaacabay bishii July ee sanadkan 2018-ka ayaa xilka ka bedalay Stephen Michael Schwartz, kaaso xilka iska casilay bishii September sanadkii hore, waxa uu sabab u dhigay arrimo shaqsi ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]